Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga XFS oo la kulmay Saraakiisha Taliska 21-aad ee CXD

Date:

Cadaado(SONNA):–Mudane C/llaahi Colaad Rooble Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maant gaaray Magaalada Cadaado, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa SONNA u sheegay in Ujeedada socdaalka Wafdiga Wasiirka ay la xiriirt u kuur-galka xaaladaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka qeybtooda ku sugan deegaanada Galmudug,iyo sidii loo qiimeyn lahaa.

Wasiir ku xigeenka Difaaca Soomaaliya oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa markii ay tageen magaalada Cadaado waxay booqdeen Xerada 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka halkasi oo ay kula kulmeen saraakisha iyo ciidamadooda.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada oo uga waramay xaaladda guud ee ciidamada qeybtooda 21-aad ay kusugan yihiin iyo baahiyaha ay qabaan.

Mudane C/llaahi Colaad Roobel ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay naftoodi ugu hureen difaaca Dalka iyo dagaalka lagula jiro Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Wuxuu xusay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso tayeynta ciidamada iyo daryeelkooda,wuxuuna intaasi ku daray in loo diyaar garoobayo sidii dalka looga sifeyn lahaa maleeshiyada Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...