Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo damaanad qaaday daryeelka Wariye ku dhaawcmay weerarkii Hotel Naasa-Hablood 2.

Date:

Deeqo Cubeyd Maxamuud oo ah Wariye ka howlgaleysay Radio Afgooye islamarkaana ka mid aheyd dadki ku dhaawacmay weerarkii 28-kii bishi hore ka dhacay hoteelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho ayaa xaaladeeda caafimaad ay soo hagaageysaa.

Wariye Deeqo oo marki ay dhaawcantay ka dib aan helin daryeelkii loo baahnaa ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabeysa dhibaatada heysata waxa ay damaanad qaaday daaweynta wariyaha iyadoo hada la jiifiyay isbitaalka Sheekh Sayid ee Imaaraatka Carabta oo ku yaala magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo ururka suxufiyiinta qaranka ee NUSOJ ayaa booqday isibitaalka lagu daweynayo wariye Deeqo Cubeyd Maxamuud iyagoo u kuur galayay sida ay tahay xaaladda caafimaad ee wariyaha.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maahir Jaamac Aadan ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) sida uu isaga xil saaray ka warqabka xaalada caafimaad ee wariyaha dhaawaca ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Warfaafinta waxaan mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Safaaradda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya oo kasoo jawaabtay codsigii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow kaasoo ahaa in daryeel caafimaad loo fidiyo Deeqa Cubeyd oo dhaawac kasoo gaaay weerarkii 28 Oct ka dhacay magaalada Muqdisho, safaaradda aad ayay ugu mahadsantahay jawaabta dag dagga ah, manta oo sabti ah ayay noo suuragashay in Deeqa laga soo saaro cisbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Muqdisho, laguna soo wareejiyo Cisbtiaalka Sh Zaa’id ee magaalada Muqdisho si loogu daweeyo” sidaas ayuu yiri xiriiriyaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay Ismaaciil Muqtaar Cumar.

Agaasimaha Radio Afgooye Maxamed Muuse Cismaan ayaa amaanay sida Wasaaradda Warfaafintu ay dusha u saaratay daryeelka iyo ka warqabka xaaladda caafimaad ee Wariye Deeqo Cubeyd Maxamuud oo kamid aheyd dadkii ku daawacmay weerarkii 28-kii October ka dhacay hoteelka Naasa-hablood 2 ee magaalaga Muqdisho.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ oo muujiyay dadaal ballaaran oo la xiriira sidii loogu gurman lahaa gabadhaasi suxufiyadda ah ee ka howlgasha radio Afgooye oo ka howlgala dagmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...