Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay kulamo uu la qaatay Madaxda dalka Masar+(Sawiro)

Date:

Qaahira(SONNA) Raiisul wasaare ku xigeenka xukuumada Fadaraalka soomaaliya mudane Mahdi maxamed guuleed khaddar iyo wafdi ay kamid yihiin Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiir ku xigeenka  dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo agaasimaha waaxda carabta ee wasaarada arimaha dibada oo mudo sadax cisho ku sugnaa magaalada Sharma sheikh halkaas oo ay uga qeyb galayeen shirka dhalinyarada caalamka oo sanadkaan ay marti galisay dowlada Masar aya dalka dib ugu laabtay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada fedaraalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar oo wareysi siiyay SONNA aya marka hore u mahad celiyay safaaradda Soomaaliya ee Masar wuxuuna ka warbixiyay kulamadii uu la yeeshay madaxweynaha Masar C/fitaax siisi iyo Ra’iisul wasaaraha Masar Sharif ismaaciil Maxamed intii uu ku sugna magaalada Sharma sheikh.

“ugu horeyn waxan rabaa inan munaasabadaan ugu faa’ideysto una mahad celiyo marka u horeysa safaarada Soomaaliya ee Qaahira safiir ku xigeenka ilyaas sheikh iyo mas’uuliyiinta kale ee safaarada oo runtii aad iyo aad ino soo dhaweeyay inta joognay Sharma sheikh, waxan fursad u helay inan la kulmo madaxweynaha Masar C/fitaax siisi oo waqti dheer wada qaadanay, arrimaha Soomaaliya ayaa ka wada hadalnay sida labada dal ay isaga kaashan karaan oo gacmaha isku qabsan karaan, balamihii madaxweyne farmaajo iyo wafdigiisa markii ay Masar soo gaareyn u qaadeena uu diyaar u yahay inu fuliyo waxyaabo badan, inagu dabagalkeedu nagu xiran yihiin,waxa kale oo aan fursad u helay inan la kulano Ra’iisul wasaaraha Masar Sharif ismaaciil Maxamed, Masar waxay dooneysa dhowr meel oo waaweyn oo ilaha dhaqaalaheenna ku xiran inay gacan saar nagala yeeshan oo ay ka mid tahay xoolaha,kaluumeysiga ,beeraha, biyaha iyo tamarta, dhinac walba ayey diyaar u yihiin, inan gacamaha isqabsano oo iskaashi ka yeelano”

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wafdiga uu hogaaminayay aya dalka dib ugu laabtay kadib marku so gabagaboobay maalintii khamiista shirkii dhalinyarada caalamka ee ka socday magaalada Sharma sheikh.

Wariye:Mowliid Hassan Abdi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...