Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho ku tagay Sacuudiga

Date:

Muqdisho(SONNA) Emmnanuel Macron,madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay inuu ahmiyad siin doono deganaashaha Lubnaan ka dib markii booqasho aan horay loo sii shaacin uga bilaabatay dalka Sacuudiga.

Booqasgada madaxweynaha Faransiiska uu ku tagay dalka Sacuudiga ayaa ku soo aadeysa xilli  uu Sabtidii is casilay ra’iisulwasaarihii Lubnaan Saad Hariri isaga oo ku sugnaa magaalada Riyadh, isaga oo sheegay in uu naftiisa u baqay.

Dowladda Sacuudiga oo lagu eedeeyay iney cadaadis saartay Ra’iisal wasaarihii is casilay ee Mar Xariiri ayaa iska fogeysay kuna eedeysay.islamarkaana shaacisay iney  arintaasi wax lug ah ku lahayn.

Macron ayaa sidoo kale sheegay in uu hogaamiyeyaasha Sacuudiga kala hadli doono dhibaatada Yemen ka taagan, ka dib markii xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo ay xireen dhammaan marinnadii galayay dalkaas dagaallada la daalaa dhacaya.

Go’doominta ayaa dalka Yemen la saaray Isniintii ka dib markii gantaal laga soo riday lagu bartilmaameedsaday magaalada Riyadh. Waxaa la sheegay in gantaalka lagu qabtay meel u dhaw caasimadda Sacuudiga.

Sacuudi Carabiya ayaa gantaalka ku eedaysay malayshiyada ay Iiraan taageerto ee Xisbullah.

Dad badan oo reer Lubnaaan ahna waxay ka cabsi qabaan in dalkooda uu soo wajahay dagaal gudo wayn oo ay ku lug leeyihiin Sacuudiga oo ah dalka ugu tunka wayn dalalka Suniga ah iyo Iiraan oo Shiicada hogaamisa ahna dalka ugu wayn ee ay Sacuudiga isku hayaan gobolka.

Dowladda Sacuudi Arabia ayaa khamiistii shalay u sheegtay muwaadiniinteeda ku sugan dalka Lubnaan iney sida ugu dhaqsiyaha uga soo baxaan dalkaasi ka dib markii la arkay cabsi dhanka amniga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...