Taliska Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in wax badan laga bedalayo sugida Amniga Muqdisho

Date:

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax oo warbaahinta kula hadlayay Xaunta Tabarka Ciidanka Booliska ee General kaahiye ayaa sheegay in sugida amaanka magaalada Muqdisho wax badan laga badalayo.

General Muqtaar Afrax ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku la imaanayaan qorshayaal cusub si kor loogu qaado amaanka Magaaladda, Shacabka ayuu ka codsaday inay gacan siiyaan Booliska taasina wax kasta ku hagaagi karaan,.

Wuxuu sheegay in looga baahan yahay Ciidanka Booliska inay kashaqeeyaan isdhexgalka Ciidanka iyo Shacabka oo door muhiim ah ka qaadan karta hagaagsanaanta amniga magaalada.

Dhanka kale, Ku simaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Muqtaar Afrax ayaa sheegay inay sameyn doonaan saanaadiiq ay dadka ku ridayaan figradahooda iyo qaabka hormarinta Amaanka .

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa wada howlgalo lagu sugayo Amaanka Muqdisho iyo sidoo kale qeybo badan oo kamidda Goboladda Dalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...