Howlgal lagu baacsanayo Argagixisada Al-Shabaab oo ka socda Waqooyi Bari Kenya

Date:

Muqdisho(SONNA) Sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya,amaanka Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa si aad ah loo adkeeyay ka dib markii Booliska ay sheegeen iney suurta gal tahay in dagaalyahano ka tirsan Argagixisada weerar bahalnimo ah ka geystaan deegaanada Gobolka Waqooyi bari gaar ahaan magaalada Mandhera oo dhowr jeer ay weerareen.

Saraakiil Ciidamada amaanka Kenya ka tirsan oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa Wargeyska Daily Nation u sheegay iney jirto fariimo Laamaha amaanka soo gaaray oo sheegaya iney Al-Shabaab qorsheynayaan iney weeraro dhabo gal ah ka sameeyaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi bari Kenya kuwaasoo ay suurta gal tahay iney ku qaadaan Ciidamada amaanka iyo dad rayid ah oo gaadiid ku safraya.

Ciidamo Boolis iyo Militari isugu jira ayaa bilaabay howlgal ka dhan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka keynta ah ee Kenya gaar ahaan deegaanada Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku dhow.

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa la la’yahay halka ay cirib iyo jaan dhigeen ka dib markii dagaalyahano looga shakisan yahay maleeshiyaadka Al-Shabaab weerar ku qaadeen gaadiid Booliska Kenya ay saarnaayeen oo marayay degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Dowladda Kenya ayaa hadda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 4,000-Askari oo Qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo ujeedkiisu uu yahay in dalka laga ciribtiro Argagixisada Al-Shabaab nabadna lagu soo dabaalo.

Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan weerar dad rayid ah iyo Ciidamo Kenya ka tirsan ay ku dileen ku qaaday Kenya,waxaana ugu darnaa Labadii weerar ay ku qaadeen xarunta Ganacsiga Westgate Mall iyo Jaamacada Gaarisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...