Shir ku saabsan Tamarta Dalka oo laga soo saaray qodobo muhiim ah

Date:

Muqdisho (SONNA), Shirka Horumarinta Tamarta dalka oo ee u dhexeeyay dowladda Soomaaliya, ganacsato iyo deeqbixiyeyaasha caalamka oo labo cisho ka socday magaalada Muqdisho, ayaa gunaanadkiisa waxaa la isku afgartay dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin, kuwaasi oo kala ah  in la helo siyaasad iyo sharci jaangooynaya horumarka, in la helo shirkadihii fulin lahaa howshaas, in la helo maalgelin gudaha iyo dibadda ah iyo qorshe gundhig u ah horumarinta Tamarta.

Cabdiqaadir Rafiq, Madaxa mashruuca deegaanka iyo Tamarta ee hey’adda UNDP waxaa uu warbahinta qaranka u sheegay in mashruucan uu wax badan u tari doono shacabka Soomaaliyeed, ayna ku faraxsanyihiin qodobada muhiimka ah ee ka soo baxay shirkooda.

Wasiirada iyo xubnaha kale ee matalayay maamul goboleedyada dalka ayaa si wada jir ah u tilmaamay in qodobada ka soo baxay shirka ay dhamaantood yihiin kuwa loo baahnaa, ayna diyaar u yihiin dhankooda inay dhaqan geliyaan.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa shirkan qeyb ka ahaa waxayna dhankooda sheegeen in ay soo dhaweynayaan qorshaha lagu horumarinayo Tamarta wadanka.

Hanaanka dhalinta Tamarta wadanka ayaa ah mid matoor loo adeegsado ka sokow in qiimo ahaan sareeyana waxaa uu leeyahay saameyn kale.

Mashruucan oo ay maalgelinayaan hey’adaha iyo dalalka Soomaaliya taageera ayaa loo qorsheeyay in uu socdo shanta sano ee soo aadan, horumarinta Tamarta dalka ayaana ka mid ah waxyaabihii looga hadlay shirkii London ee bishii May la qabtay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...