Shir ku saabsan Tamarta Dalka oo laga soo saaray qodobo muhiim ah

Date:

Muqdisho (SONNA), Shirka Horumarinta Tamarta dalka oo ee u dhexeeyay dowladda Soomaaliya, ganacsato iyo deeqbixiyeyaasha caalamka oo labo cisho ka socday magaalada Muqdisho, ayaa gunaanadkiisa waxaa la isku afgartay dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin, kuwaasi oo kala ah  in la helo siyaasad iyo sharci jaangooynaya horumarka, in la helo shirkadihii fulin lahaa howshaas, in la helo maalgelin gudaha iyo dibadda ah iyo qorshe gundhig u ah horumarinta Tamarta.

Cabdiqaadir Rafiq, Madaxa mashruuca deegaanka iyo Tamarta ee hey’adda UNDP waxaa uu warbahinta qaranka u sheegay in mashruucan uu wax badan u tari doono shacabka Soomaaliyeed, ayna ku faraxsanyihiin qodobada muhiimka ah ee ka soo baxay shirkooda.

Wasiirada iyo xubnaha kale ee matalayay maamul goboleedyada dalka ayaa si wada jir ah u tilmaamay in qodobada ka soo baxay shirka ay dhamaantood yihiin kuwa loo baahnaa, ayna diyaar u yihiin dhankooda inay dhaqan geliyaan.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa shirkan qeyb ka ahaa waxayna dhankooda sheegeen in ay soo dhaweynayaan qorshaha lagu horumarinayo Tamarta wadanka.

Hanaanka dhalinta Tamarta wadanka ayaa ah mid matoor loo adeegsado ka sokow in qiimo ahaan sareeyana waxaa uu leeyahay saameyn kale.

Mashruucan oo ay maalgelinayaan hey’adaha iyo dalalka Soomaaliya taageera ayaa loo qorsheeyay in uu socdo shanta sano ee soo aadan, horumarinta Tamarta dalka ayaana ka mid ah waxyaabihii looga hadlay shirkii London ee bishii May la qabtay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...