Guddoomiye Jawaari oo la kulmay madaxda Jubbaland

Date:

Kismaayo(SONNA) Wafdigan oo uu hoggaaminaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa siweyn loogu soo dhaweyey magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha Jubbaland iyo xubnaha labada Gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland,wuxuuna kulan gaar ah uu la yeeshey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Axmed Madoobe.

Ujeedad socdaalka wafdiga guddoomiye Jawaari ayaa la xiriirta ka qeybgalka furitaanka kalfadhigii4aad ee baarlamaanka Jubbaland oo ka furmaya magaaladaasi Kismaayo.

Inta uu joogo magaalada Kismaayo waxaa uu kulamo la yeelan doonaan madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Booliiska oo la kulmay Guddiga saxidda Imtixaanka Layli Sarkaalnimo

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...