Madaxweyne Gaas oo faah faahiyay duqeyntii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday horjoogihii Daacish ee Soomaaliya oo ku sugan Buuralayda Galgala ee Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin inuu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii Maraykanku u qaadeen buuralayda Gobolka Bari tasi oo isaga lagu bartilmaameedsanayay.

Xogo ay heleen hay’adaha ammaanka Puntland ayaa ku sheegay Madaxweynaha Puntland  in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Cabdulqaadir Muumin,iyo maleeshiyaad uu hoggaamiyo kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Gobolka Bari.

C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa  soo dhaweeynayay beegsiga lagu hayo kooxda Daacish, isaga oo sidoo kale tilmaamay Daacish in ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed,loona baahanyahay in la iska kaashado dagaalka lagula jiro argagixisada.

Xigasho VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho. 1- Madaxweyne Xasan...

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...