Golaha shacabka JFS oo maanta akhrintii labaad mariyey hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha

Date:

Kulanka guud ee Golaha Shacabka jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu shir gudoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari, ayaa maanta ka dooday hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha, waxaana  ugu horreyn guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka uu golaha warbixin ka siiyay qorshaha gudiga Maaliyada ee inta ka harsan kalfadhigan.

Guddoomiyaha golaha shacabka,  Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegay in guddiyada kale ee golaha looga baahanyahay in qorshayaashooda ay soo gudbiyaan.

guddiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha Shacabka, ayaa golaha ka hor jeediyay warbixinta hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha oo horey akhrinta koowaad loo marsiiyay, waxaana golaha ka hor akhriyay Xildhibaan Axmed Abtidoon oo xubin ka ah guddiga, isagoo golaha ka codsaday in la ansixiyo.

intaasi ka dib guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha shacabka, Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey,  ayaa ka hadlay muhiimadda sharcigan uu dalka u leeyahay iyo sidoo wabiyada dalkeena mara.

Guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa sheegay in qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu helo biyo nadiif,  sidaasi daraadeedna uu sharcigan muhiim yahay.

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee dowladda Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, ayaa u mahad celiyay xildhibaanada golaha shacabka gaar ahaan guddiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in hindise sharciyedkan guddiga iyo wasaaradda looga baahanyahay in ay kusoo daraan wixii aragtiyo ah oo ay xildhibaada soo jeediyeen, si loo ansixiyo kulanka kan xigga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...