Araday deeq waxbarasho ka heshay Masar oo manta ka anba baxay Muqdisho

Date:

Muqdisho(SONNA)-Garoonka Magaalada muqdisho waxa maanta ka ambabaxay 76 arday kuwaas oo deeq waxbarasho ka helay Dalka Masar waxaana Garoonka Aadan Cadde ku sagootiyay  Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guleed Qadar, Wasiir DoWlaha Wasaarada Wax barashada iyo Masuuliyiin kale uu kamid ahaa safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Masar Ilyees Shekh Cumar ooku wehliyay safarka ardaydaasi.

Lacagta ku baxday diyaaradaasi oo qaaday ardayda ayaa waxaa bixiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ugu talagalay in uu ku dhiiro geliyo ardaydaasi,waxana uga mahadceliyeen madaxweynaha Soomaaliya sida uu u garab istaagay maadaam aan awoodin in kharshaadkaasi ay iska bixiyaan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdule Jaabir oo la hadlaya war baahinta  ayaa u mahad celiyay Dowlada masar oo Ardaydaan siisay deeqdan waxbarsho.

Sidokale Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuled Qadar ayaa sheegay tiradaan Arday manta baxeysa in ay tahay tii ugu badneyd ee Dalk Masar loo Qaado Qarashka Diyaardana uu bixinayo Madaxweynaha  Dowlada soomaliya.

Dhinace kale wafdi uu huggaaminayo Ra’iisulwasaare ku Xigeenka Xukumada Soomaaliya iyo Masuulinya ayaa safar shaqo ugu amba baxay Dalka Masar si uu uga qeyb galo shir ay isugu imanayaan Madaxada  ilaa 13 dal oo ka kala socda Caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...