Iraan oo iska fogeysay iney wax lug ah ku leedahay is casilaadii Sacad Al-Xariiri

Date:

Muqdisho(SONNA) Dowladda Iran ayaa sheegtay in casilaada Ra’iisal wasaarihii dalka Lubnaan Sacad Al-Xariiri qeyb ka tahay Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka,islamarkaana Iraan wax xiriir la lahayn qorshaha iscasilaadiisa.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Lubnaan ayaa is casilaadiisa sabab uga dhigay inuu u cabsaday noloshiisa.

Saraakiil sar oo u hadlay Iran ayaa ku eedeeyay Mareynkanka iyo Sacuudi Arabia iney ka danbeeyaan qorshaha uu sida lama filaanka ah isugu casilay Sacad Al-Xariire.

Hadalkii uu jeediyey ee uu ku sheegay iscasilaadisa ayaa Al-Xariiri wuxu si ba’an ugu dhaliilay Tehran iyo dhaqdhaqaaga Shiicada Lubnaan ah ee Xisbullah ee ay Iran taageerto.

Talaabadan uu qaaday ayaa Lubnaan dib ugu celinaysa hubanti la’aantii siyaasadeed.

Sacad Al-Xaraiiri wuxu carrabka ku adkeeyey Iran markii uu jeedinayay hadalkii uu ku shaaciyey iscasilaadiisa, waxaanu ku eedeeyey Tehran in ay colaad iyo burbur ka abuurto meel kasta oo ay gacanteedu gaadho. Hadalkiisan uu ka jeediyey Sucuudiga ee aanu ka odhan Lubnaan dhexdeeda ayaa dad badan durbadiiba ku dhaliyey in ay arinta u arkaan go’aan Riyaad ka dambayso.

Lataliye sare oo u hadlay Iran ayaa dusha u saaray Sucuudiga in ay tallaabadan wada qorsheeyeen Maraykanka oo intan madaxweyne Trump hogaanka u qabtay si aad ah u taageera aragtida siyaasadeed ee Sucuudiga ka leeyahay Bariga Dhexe.

Mr. Xariiri Aabihii Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Lubnaan Rafik Al-Hariri ayaa shirqool lagu dilay sanadkii 2005.

W/Q: Daahir Aadan Ali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...