In ka badan 100 arday oo deeq waxbarasho loogu qaaday Dalka Sudan

Date:

Muqdisho (SONNA) In kabadan 100-boqol Arday oo helay deeq Waxbarasho ayaa maanta u ambabaxay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan

Ardaydan oo tiradoodu ay tahay 115 arday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ku sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah iyo marti sharaf kale.

Ismaaciil Yuusuf Cismaan la taliyaha Wasiirka Waxbarashada ee dhanka xiriirka dibadda ayaa sheegay in ardayda ay yihiin kuwii ku guuleystay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan halkan ku sii sagootineynaa ardayda kaalimaha koowaad ka galay Imtixaamkii qaranka ee la qaaday sanad dugsiyeedka 2016-2017, tirada ardayda waa 115 arday, 90 waa wiilal halka 25 ay yihiin gabdho, waxaana ay soo baranayaan takhasuusyo kala duwan” ayuu yiri Ismaaciil.

Qaar ka mid ah ardayda kaalimaha hore ka galay Imtixaanka shahaadiga ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin deeqda ay ka heleen dowladda Sudan, iyagoo dowladda Federaalka uga mahadceliyay deeqda ay siisay iyo dadaalka ay Wasaaraddu u gashay inay u dhoofaan dalka Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...