In ka badan 100 arday oo deeq waxbarasho loogu qaaday Dalka Sudan

Date:

Muqdisho (SONNA) In kabadan 100-boqol Arday oo helay deeq Waxbarasho ayaa maanta u ambabaxay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan

Ardaydan oo tiradoodu ay tahay 115 arday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ku sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah iyo marti sharaf kale.

Ismaaciil Yuusuf Cismaan la taliyaha Wasiirka Waxbarashada ee dhanka xiriirka dibadda ayaa sheegay in ardayda ay yihiin kuwii ku guuleystay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan halkan ku sii sagootineynaa ardayda kaalimaha koowaad ka galay Imtixaamkii qaranka ee la qaaday sanad dugsiyeedka 2016-2017, tirada ardayda waa 115 arday, 90 waa wiilal halka 25 ay yihiin gabdho, waxaana ay soo baranayaan takhasuusyo kala duwan” ayuu yiri Ismaaciil.

Qaar ka mid ah ardayda kaalimaha hore ka galay Imtixaanka shahaadiga ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin deeqda ay ka heleen dowladda Sudan, iyagoo dowladda Federaalka uga mahadceliyay deeqda ay siisay iyo dadaalka ay Wasaaraddu u gashay inay u dhoofaan dalka Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...