Seddax qofood oo ku dhimatay toogasho ka dhacday dukaan ku yaala Mareynkanka

Date:

Saddex Qof ayaa la dilay ka dib toogasho ka dhacday dukaanka Walmart  ee magaalada Thornton ee dalka Mareynkanka, sida uu sheegay Booliska.

Kooxo hubeysan ayaa habeenkii arbacada ahayd rasaas ku furay gudaha Dukaan ku yaalo magaalada Thornton ee Gobolka Colorado,taasoo sababtay geerida labo ruux halka haweeney kale dhaawac uu soo gaaray markii danbe Cisbitaalka ugu geeriyootay,sida ay sheegeen Waaxda Booliska magaalada Thornton.

Booliska ayaa sheegay in dhacdadaan tuhmanayaal loo qabtay kuwaasoo hadda su’aalo la weydiinayo,mana jirto cid ilaa iyo hadda loo xiray arintaan,sida Booliska ay sheegeen.

Saacad ka dib markii feejignaan sare lagu jiray ayay Booliska waxay sheegeen in qatarka kooxaha hubeysan lagu idleeyay gudaha Dukaanka.

“Markii rasaasta ay bilaabatay durba waxaa bilowday cabsi iyo kala carar macaamiiska ku dhacay” ayuu yiri mid ka mid dadkii dukaameysanayay.

Dhacdooyinka ceynkani oo kale ayaa ku cusbeyn dhegaha Shacabka Mareynkanka,waxaana dhacdadii ugu danbeysay ay ka dhacday magaalada New York oo lagu dilay seddeed qof halka 11-kalena la dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...