Madaxweynaha Soomaaliya oo Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka, oo qodobaddii looga hadlay ay kamid ahaayeen Qorshaha Difaaca Qaranka, dagaalka ka dhanka ah Nabad diidka Argagixisada ah ee Alshabaab iyo arrimo kale.

kulanka uu shir guddoomiyey Madaxweyne Farmaajo, waxaa goob joog ahaa R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, R/wasaare ku xiggeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Soomaaaliya, Wasiirka Amniga iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii labaad ee Golaha Amaanka Qaranka  ee  Madaxweynaha uu shir guddoomiyo, isagoo xusay in la isku raacay in  Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay si wadajir ah ula dagaalamaan Nabad diidka Alshabaab.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in Shirka Golaha Amniga Qaranka lagu ansixiyey Qorshaha Difaaca Qaranka oo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ay soo diyaarisay, sidoo kale waxuu sheegay wasiirka in lagu ansixiyey shirkaasi Guddiga isku dhafka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ka kooban xubo ka kala yimid Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...