Madaxweynaha Masar ”Waxaan xoojineynaa Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya”

Date:

Madaxweynaha dalka Masar Cabdul-Fattah Al-Sisi ayaa sheegay Arbacadii shalay in wadankiisa uu si adag u garab taagan yahay midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Al-Sisi ayaa yimid kaddib markii qad taleefanka uu kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo”, sida ay qortay Wakaalada wararka Masar ee loo soo gaabiyo MENA.

Intii lagu guda jiray wadahadalka telefoonka, labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay qaabkii loo xoojin lahaa xiriirka wadajirka ah iyadoo kor loo qaadayo iskaashiga labada dhinac ee la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Waxay sidoo kale, isla soo hadal qaadeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi “Farmaajo” iyo madaxweynaha Masar Cabdul-Fattah Al-Sisi horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaalka xukuumadda ay ku soo celisay amniga iyo xasiloonida si loo fuliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed loona gaaro horumar.

Dhinaciisa, madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Masar doorka taageerida wadankiisa ay ka siiso xasiloonida iyo adkeynta nabad galyada.

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, oo ku qotoma Arrimo badan oo ku saabsan iskaashi dhanka amniga,waxbarashada, ganacsiga iyo dhaqanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...