Madaxweynaha Masar ”Waxaan xoojineynaa Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya”

Date:

Madaxweynaha dalka Masar Cabdul-Fattah Al-Sisi ayaa sheegay Arbacadii shalay in wadankiisa uu si adag u garab taagan yahay midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Al-Sisi ayaa yimid kaddib markii qad taleefanka uu kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo”, sida ay qortay Wakaalada wararka Masar ee loo soo gaabiyo MENA.

Intii lagu guda jiray wadahadalka telefoonka, labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay qaabkii loo xoojin lahaa xiriirka wadajirka ah iyadoo kor loo qaadayo iskaashiga labada dhinac ee la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Waxay sidoo kale, isla soo hadal qaadeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi “Farmaajo” iyo madaxweynaha Masar Cabdul-Fattah Al-Sisi horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaalka xukuumadda ay ku soo celisay amniga iyo xasiloonida si loo fuliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed loona gaaro horumar.

Dhinaciisa, madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Masar doorka taageerida wadankiisa ay ka siiso xasiloonida iyo adkeynta nabad galyada.

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, oo ku qotoma Arrimo badan oo ku saabsan iskaashi dhanka amniga,waxbarashada, ganacsiga iyo dhaqanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...