Jabuuti iyo Marocco oo Gaaray Heshiisyo Muhiim ah

Date:

Rabad-(SONNA) Labada dal Jabuuti iyo Marocco ayaa kala saxiixday heshiisyo dhanka iskaashiga siyaasadda iyo booqashooyinka.

Dhinaca Dowladda Jabuti  waxaa heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka arrimaha Dibadda, ahna afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumadda jabuti Mahmud Ali Yuusuf  oo wafdi uu hogaaminayo haatan booqasho rasmi ah ku jooga magalada Rabad ee caasimadda  dalka Marocoo.

Dhinaca Dowladda Marocco waxaa iyana heshiiskaasi u saxiixay wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaasi Nasir Boridha,waxaana qodobada heshiiskaasi ka mid ay inay labada dowladood  ay mar walba ka wada arrinsadaan arrimaha siyaasadda iyo dhinaca dalka ku galka fiisaha oo wax shuruud ah ku xirneyn iyo waliba dhanka horumarinta dibolomaasiyadda.

Telefishinka Jabuuti ayaa baahiyay inay laba wasiir ay ka wada munaaqashoodeen arrimo badan ay ka mid yihiin arrimaha aminiga, dhaqaalaha, Ganacsiga iyo ka hortagga xadgudbiyada argagixisada.

Wasiirka arrimaha Dibada Jabuti Mahmud Ali Yusuf ayaa ka codsaday Dowladda Marocco inay safaarad ka furato magaalada Jabuti ee xarunta dalka jabuti, taasoo dowr weyn ka qaadanaysa sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee marocco ayaa isna soo dhaweeyay codsigaasi wuxuuna sheegay in labada wadan oo iminka u furmay boq cusub ee xagga horumarinta cilaaqaadka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...