Hogaamiyaha dalka Myanmar oo gaartay Gobolka Rohingya

Date:

Muqdisho( SONNA) Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa gaartay gobolka Rakhine halkaasi oo lagu dhibaateynayo Muslimiinta Rohingya.

Waa Markii ugu horeysay oo Hogaamiye Myanmar Aung San Suu Kyi ay ka degto gobolka Rakhine tan iyo markii rabshadaha lagu dhibaateynayo Muslimiinta Rohingya ay ka bilowdeen dalkaasi.

Saraakiisha dawladdu waxay sheegeen in ay booqanayso magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Sittwe iyo magaalooyin kale, inta ay ku guda jirto safarkeeda halka maalin ah ee aan horay loo sii shaacinin.

Dad lagu qiyaasay 600,000 oo reer Rohingya ah ayaa tan iyo bishii Auugust u qaxay Bangladesh.

Beesha caalamka ayaa dhaleeceyn u jeedisay Haweeneyda hogaamiyaha ka ah Myanmar Aung San Suu Kyi,waxaana lagu eedeynayaa iney dhegaha ka fureysatay isir sifeynta lagu hayo Muslimiinta Rohingya.

Daganaansho la’aanta gobolka Rakhine waxaa kiciyay weeraro dhisamasho sababay oo lagu qaaday saldhigyada booliiska, kuwaas oo lagu eedeeyay malayshiyo cusub oo magaceeda loo soo gaabiyo Arsa.

Afhayeen u hadlay Dowladda oo lagu magacaabo Zaw Htay ayaa AFP u sheegay in Ms. Suu Kyi was ay hadda ku sugan tahay Sittwe sidoo kalena ay tageyso Maungdaw and Buthiduang.

Ms. Aung San Suu Kyi ayaa la rajeynayaa inuu socdaalkeeda wax badan ka bedelo xaalada Gobolka Rohingya iyo gumaadka lagu hayo dadka Muslimiinta ee Gobolkaasi degan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...