Dowladda Imaaraadka oo Dhaawacyo kala duwan maanta u qaaday Dalka Kenya  

Date:

Muqdisho (SONNA),  9 qof oo  dhaawcayo kala duwan qaba oo  dalka gudahiisa wax looga qaban waayey ayaa Dowladda Imaaraadka carabta,  waxey maanta  u qaaday  dalka Kenya, si halkaasi waxa looga qabto xaladooda caafimaad, iyaggoo ay wehlinayaan qaar ka mid ah Ehaladooda.

Dhaawacyadan loo qaaday dalka Kenya, ayaa isugu jiray kuwa uu sameeyey Musiibadii  qaran ee 14 bishi ocotober ka dhacday Ex Z oobe iyo dad ku soo  wax yeloobay Gobalada dalka,  kuwaasi oo  xaaladooda caafimad waxa looga qaban wayaay Dalka.

Ugu horeyn ,ayaa waxa madasha ka hadlay wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow,  isagoona ugu mahad celiyey taageerida Dowladda Imaaraadka carabta ay mar walibo siiso Soomaaliya.

Safiirka Dowlada Imaaraadka  Carabta u fadhiya Soomaaliya, Danjire  Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi oo isna madasha ka hadlay, ayaa shegaay iney mar walibo diyaar uu yahiin iney caawiyaan dadka Soomaaliyed ee dhibaateysan.

Wasiirka Wasaraadda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo  Fowziya Abiikar Nuur oo ka hadashay halkaasi,  ayaa sheegtay iney in Dolwadda Imaaraadka ay yahiin kuwa mar walibo caawiyo dadka dhibateysan, iyaddoo ugu mahad celisay taageerida ay siiyaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...