Madaxtooyada Soomaaliya oo been abuur ku tilmaantay warqad baraha bulshada la soo dhigay

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo saacadihi ugu dambeeyey baraha bulshada lagu arkayay warqad been abuur ah oo lagu sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya,ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku tilmaantay mid been abuur ah

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Madaxtooyada Soomaliya C/nuur Maxamed Axmed oo u warramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay wax kama jiraan tahay warqadaasi oo baraha bulshada la isla dhexmarayo.

“Majirto wax magacaabis ah oo uu sameeyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ku aadan in Xasan Yuusuf Jaamaca uu madaxweynaha u magacaabay Safaarada Soomaaliya ee Kenya, waa warqad been abuur ah”Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka  Madaxtooyada Soomaaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ku soo badanayay baraha bulshada warqado ku qoran dukumintiyo looga been abuuranayo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xaaladaha guud ee Dalka ,taasi oo  lagu tilmaamayo in ay tahay arrin aan u wanaagsanayn danta guud,horumarka iyo sharafta  Umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka...