Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la dar-daarmay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ay tababareen isla markaana qalabeeyeen dawladda Imaaraadka Carabta, lagu wareejinayay taliska guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka ee gacanta ay ku hayso dawladda Imaaraadku, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen xoreynta dalka. Waxuuna u sheegay in looga fadhiyo door lixaad leh iney ka qaataan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Ciidamadani waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii qaranka Soomaaliyeed soo celiya. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo u mahadceliyey dawladda Imaaraadka ee gacanta ku haysay ciidamadani.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dawladdu ay muhiimadda koowaad siineyso sidii ay xuquuq dhameystiran u heli lahaayeen ciidamadu, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda.

“Waxaa la idin saaray masuuliyad weyn oo ah difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad argaixisada ka xoreysaan, anaguna waxaan ka shaqeyneynaa inaad heshaan waxa aad u baahan tihiin. Madaxda qaranka oo anigu ugu horeeyo waxay idin kugu imaan doonaa furimaha dagaalka, waana idin garab istaageynaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan CIiidanka Xoogga dalka.

—DHAMMAAD—

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....