Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Shir wadatashi ah ka furtay Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Shirkani wadatashiga ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkani wuxuu socon doona muddo labo maalmood ah, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wasiirada warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradahaasi, waxaana sidoo kale qeyb ka ah Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka, waxaa kamid ah Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta Dalka ee la xiriirta Tabinta habka Warbaahineed iyo doorka looga wada qeyb qaadan karo.

Sidoo kale waxaa looga hadlaya sidii warbaahinta Dowliga ah iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ay u mideyn lahaayeen aragtidooda ku aadan habka bulshada loogu gudbinayo Macluumaadka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali daahir oo kulanka ka hadlay ayaa codsaday in Buug laga qoro Qaraxii Soobe si qofkasta uu u gaaro buugaasi xasuusna ay u nqoto, sidoo kale wuxuu saxaafada ugu baaqay inay iska hubiyaan wararka ay tabinayaan.

“Warbaahinta markasta aan dhageysto waxaan ku arkaa qaladaad badan, waxaa ka mid ah qaraxii ugu dambeeyay, waxay ku leeyihiin dadkii galay Naaso Hablood 2 waxay wateen Aqoonsiga Nabad Sugida, hadii lagu qabsado waa ku xirmayaan, waayoo mid been abuur ah ayay wateen marka ma fiicno”.ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisow” ayaa uga mahad celiyay Masuuliyiinta lagu casuumay shirka sida ay uga soo qeyb galeen, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay shirkan socon doono Labada Maalin

“Aan kulano waa aan wadatashano Maadaama aan masuul ka nahay Warbaahinta Soomaliya, Guddiga Baarlamaanka ee Warfaafinta waan uga mahad celinayaa in kulanka ay ka soo qeyb galaan, doorkeena waxaan ku xoojin karnaa in aan wada shaqeyno, Bahda Warbaahinta waxey naga codsadeen in aan dib u eegis ku sameyno xeerkii Saxaafada ee madaxweynihi hore uu saxiixay, dib u eegis ayaan ku sameynay, Saxaafada waxaan ku amaanayaa sida ay ugu danqadeen dhibanayaaashii qaraxii Soobe, Kulankii aad saxaafad ahaan go’aan ku gaarteena waa guul” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...