Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Shir wadatashi ah ka furtay Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Shirkani wadatashiga ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkani wuxuu socon doona muddo labo maalmood ah, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wasiirada warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradahaasi, waxaana sidoo kale qeyb ka ah Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka, waxaa kamid ah Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta Dalka ee la xiriirta Tabinta habka Warbaahineed iyo doorka looga wada qeyb qaadan karo.

Sidoo kale waxaa looga hadlaya sidii warbaahinta Dowliga ah iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ay u mideyn lahaayeen aragtidooda ku aadan habka bulshada loogu gudbinayo Macluumaadka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali daahir oo kulanka ka hadlay ayaa codsaday in Buug laga qoro Qaraxii Soobe si qofkasta uu u gaaro buugaasi xasuusna ay u nqoto, sidoo kale wuxuu saxaafada ugu baaqay inay iska hubiyaan wararka ay tabinayaan.

“Warbaahinta markasta aan dhageysto waxaan ku arkaa qaladaad badan, waxaa ka mid ah qaraxii ugu dambeeyay, waxay ku leeyihiin dadkii galay Naaso Hablood 2 waxay wateen Aqoonsiga Nabad Sugida, hadii lagu qabsado waa ku xirmayaan, waayoo mid been abuur ah ayay wateen marka ma fiicno”.ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisow” ayaa uga mahad celiyay Masuuliyiinta lagu casuumay shirka sida ay uga soo qeyb galeen, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay shirkan socon doono Labada Maalin

“Aan kulano waa aan wadatashano Maadaama aan masuul ka nahay Warbaahinta Soomaliya, Guddiga Baarlamaanka ee Warfaafinta waan uga mahad celinayaa in kulanka ay ka soo qeyb galaan, doorkeena waxaan ku xoojin karnaa in aan wada shaqeyno, Bahda Warbaahinta waxey naga codsadeen in aan dib u eegis ku sameyno xeerkii Saxaafada ee madaxweynihi hore uu saxiixay, dib u eegis ayaan ku sameynay, Saxaafada waxaan ku amaanayaa sida ay ugu danqadeen dhibanayaaashii qaraxii Soobe, Kulankii aad saxaafad ahaan go’aan ku gaarteena waa guul” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...