Shirka Baarlamaanka Carabta oo maanta ka furmay magaalada Khartum

Date:

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ay ku mideysiyiin baarlamaannada dalalka Carabta  ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu qabtay Magaaladda Khartuum ee Xarunta dalka  Sudan.

Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dalka Sudan waxaa furitaankiisa ka qeyb galay guddoomiyaha baaarlamaanka Carabta, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan iyo dhamaan gudoonka iyo xildhibaannada xubnaha ka ah Baarlamaanka Carabta oo ay ku jiraan afarta xubnood ee golaha shacabka ee JFS u matalaya Baarlamaanka Carabta.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mishaal Bin Fahm Al-Salami oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan xubnaha ka socda dalalka Carabta ee baarlamaanka Carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Sudan Ibraahiim Axmed Cumar Ayaa  u mahad celiyay wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir oo si rasmi ah shirka u furay ayaa ka hadlay muhiimmada uu shirka dalalka carabta u leeyahay.

Shirka waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Yeman, Falastiin iyo cuna qabateyntii dhinaca dhaqaalaha ah ee dhawaan laga qaaaday dalka Sudan iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo siyaasadda  dalalka Carabta.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Geelle oo ka mid ah afarta xubnood oo xildhibaannada golaha shacabka JFS u matala Baarlamaanka Carabta ayaa geba gabada shirka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalkeena Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...