Guddoomiye Jawaari oo Shirka Baarlamaanka Carabta uga qeyb galay Suudaan+Sawirro

Date:

Suudaan (SONNA) Shirka Baarlamaanka Carabta oo ay ku mideysan yihiin Baarlamaanada dalalka carabta ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu qabtay Magaaladda Khartuum ee Xarunta wadanka Suudaan.

Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dalka Suudaan waxaa furitaankiisa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Baarlamaanka Suudaan iyo dhamaan Guddoonka iyo Xildhibaanada xubnaha ka ah Baarlamaanka Carabta oo ay ku jiraan afarta xubnood ee golaha shacabka ee JFS U matalaya Baarlamaanka carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mishaal bin Fahm Al-Salami oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan xubnaha ka socda dalalka carabta ee Baarlamaanka carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Suudaan Ibraahiim Axmed Cumar ayaa ugu horeyn u mahad celiyay wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir oo si rasmi ah shirka u furay ayaa ka hadlay muhiimada uu shirkan dalalka carabta u leeyahay.

Shirkan waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Yeman, Falastiin iyo cuna qabateyntii dhinaca dhaqaalaha ee dhawaan laga qaaaday dalkan Suudaan iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo siyaasadda  dalalka carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...