Guddoomiye Jawaari oo Shirka Baarlamaanka Carabta uga qeyb galay Suudaan+Sawirro

Date:

Suudaan (SONNA) Shirka Baarlamaanka Carabta oo ay ku mideysan yihiin Baarlamaanada dalalka carabta ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu qabtay Magaaladda Khartuum ee Xarunta wadanka Suudaan.

Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dalka Suudaan waxaa furitaankiisa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Baarlamaanka Suudaan iyo dhamaan Guddoonka iyo Xildhibaanada xubnaha ka ah Baarlamaanka Carabta oo ay ku jiraan afarta xubnood ee golaha shacabka ee JFS U matalaya Baarlamaanka carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mishaal bin Fahm Al-Salami oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan xubnaha ka socda dalalka carabta ee Baarlamaanka carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Suudaan Ibraahiim Axmed Cumar ayaa ugu horeyn u mahad celiyay wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir oo si rasmi ah shirka u furay ayaa ka hadlay muhiimada uu shirkan dalalka carabta u leeyahay.

Shirkan waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Yeman, Falastiin iyo cuna qabateyntii dhinaca dhaqaalaha ee dhawaan laga qaaaday dalkan Suudaan iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo siyaasadda  dalalka carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...