Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Kenyatta guusha uu ka gaaray doorashada ku celiska ah

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa hambalyo ku aaddan guusha doorashada ku celiska ah waxa uu u diray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Madaxwyenaha ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan dowladda iyo shacabka Kenya ugu hambaliyeynayaa guusha dimuqraadiyadeed ee ay gaareen.”

Madaxwyene Farmaajo waxa uu kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qotodheer, waxaana dowladda ka go’an in ay hormariso nabadda, ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la wadaagto Kenya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...