Howlgalo lagu Baacsanayo Al shabaab oo ka dhacay Shabeelaha hoose

Date:

Muqdisho (SONNA) Ciidamada xooga dalka ayaa howlgalo lagu Baacsanayo Maleeshiyaadka Nabad diidka Al shabaab waxay ka sameeyeeyn Tuulooyin hoostaga degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in howlgalkan uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ay fuliyeen ciidamada Ururka 26-aad ee xooga dalka gaar ahaan guutada sedexaad, isagoona sheegay inuu guul ku soo dhamaaday, lana eryay Maleeshiyada Al shabaab ee ku dhuumaaleysanayay Tuulooyinkaasi.

“Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose oo horkacayo ururka 26-aad guutadiisa sedexaad ayaa waxay howlgalo ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Guntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo ciidamada ay halkaasi ka fuliyeen howlgal lagu baacsanayay Maleeshiyaadka Al shabaab, waxayna ku guuleysteen ciidamada inay guud ahaanba ka saaraan argagaxisada meelaha ay ku dhuumaaleynsayeen”

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose in  howlgalkan uu hordhac u yahay dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo dalka looga ciribtirayo Maleeshiyaadka Jid iyo jihadiidka ee Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...