Culimo Soomaaliyeed oo ka hadlay dhibaatooyinka ay geystaan Al shabaab

Date:

Johannesburg (SONNA) Culimada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg oo nadwo diini ah ku qabtay masjidka Imaamu shaafici ee xaafada Mayfair oo Soomaali dagan tahay ayaa kaga hadlay dhibaatada kooxaha argagaxisada ay ku hayaan caalamka gaar ahaana wadanka Soomaaliya.

Nadwada oo aheyd mid loo qabtay  Soomaalida ee ku nool xaafada Mayfair ayaa waxaa xooga lagu saarayay in laga wacyi galiyo bulshada dhagarta kooxaha argagaxisada iyo sida looga hortagi karo isla markaana si wadajir ah laga iga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatada ay kooxahan ku hayaan ummada Soomaaliyeed.

Culimada ayaa tixraax ku sameeyay dhamaan weeraradii kooxda argagaxisada ee shabaabku u geysteen ummada Soomaaliyeed kuna dhameeyay shacab badan oo Masaakiin ah kuwaa oo qaarkood ku jiray masaajida lagu cibaadeysto,arday dhameystay waxbarashadooda , shacab masaakiin ah oo ka adeeganayay suuqyada magaalada muqdisho iyo kuwa ku sugnaa hotelo iyo goobo bulshada isugu timaado waxaana dhamaan falalkaasi ay muujinayaan kuwa ka fog diinteena suubaan.

Sheikh Cabdirisaaq Mowlaana oo ka mid ah  culimada ka hadashay kulankaan ayaa sheegay in dhamaan dadka fududeeya falalka lagu gumaadayo shacabka qalbiyadana ka jacel in dhibaato ay dhacdo ay meel lasoo istaagi doonaan maalinta aakhiro kooxda argagaxisada ah ee baneystay dhiiga shacabka Muslimiinta ah.

“Hadaad maskaxdaada kaga qeybqaadato,oo afkaada kaga qeybqaadato,ama carafkaada aad kaga qeybqaadato iyo hadaad gacantaada uga qeybqaadato iyo hadaad qabliga ka jeclaato,dhibaatadaas wax baad ka geystay,xagee baad galeysaa marka maalinta aakhiro dadkii dilkooda aad ka qeybqaadatay oo waliba aad ayaga oo nool qarax ku gubtay ay yimaadaan alle hortiisa laguugu weydiiyo maxaad u dishay”

Sheikh Maxbuub sheikh xuseen Ciil mooge oo ka mid ah culimada Soomaalida ayaa sheegay in falalka kooxahaan ay ku gumaadayaan shacabka Soomaaliyeed looga hortagi karo midnimo iyo isku duubni oo kali ah.

“Waxaad mooda in wali bulshadeena aysan garan halka nagala heysto,waxaan wali daba taaganahay cudurkii na kala diray 1991-dii,waxaa loo baahan yahay in aan ka fogaano wax walba oo kala fogeyn kara midnimadeena wadajirkeeena ayaa muhim ah,doodeena macnaha laheyn waxaa ay fursad siineysa cadowka”

Culimada ayaa ugu baaqay bulshada in si wadajir ah ay meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka kooxaha cadeystay gumaadka ummada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkii hooyo ee Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...