Ra’iisul Wasaare Kheyre “Bilaha soo aadan waxaan dalka ka xoreyn doonaa argagixisada”

Date:

Muqdisho (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay shirka wadatashiga ee Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee qeybta ka ah dowladda Federaalka ah ayaa sheegay  in uu soo dhaweynayo fikirka ah in bilaha soo socda guud ahaan dalka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay inay la shaqeyso Xubnaha kale ee Wasiirada ka tirsan dowlad Goboleedyada, si loo dhameystiro howlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Al-Shabaab.

“Dhacdadii 14-kii October waxa ay ahayd musiibo cusub oo ah musiibo Qaran, inagoo ka duuleyno xanuunka ku yimid shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay leedahay fursad aad u wanaagsan, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay meel uga soo wada jeestaan argagixisada, waxaan soo dhaweynayaa fikirka ah bilaha soo socda in aan kuligeen ka shaqeyno dalka sidaan u xoreyn lahayn, sida uu ku baaqay Madaxweynaha” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in hadafka ugu weyn ee shirka uu yahay in laga wada qeyb qaato sidii dalka looga sifeyn lahaa cadowga Ummadda Soomaaliyeed

“Qof waliba oo Soomaaliyeed ha ogaado waxaa qatar ku jirta jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay dalka noo joogaan cadow shaqadoodu tahay inay cirib tiraan Ummadda Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...