Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay Geeridii ku timid Suxufi caan ah

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka tacsiyaeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Suxufi Maxamamuud Maxamed Jimcaale, kaasi oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Geerida Marxuumkaasi waxaa kaloo ka tacsiyadeeyay Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaraddaasi iyo shaqaalaha Wasaaradda, waxayna eebe uga barayayaan inuu Janadiisa ka waraabiyo, eheladii iyo Asxaabtii uu tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Alle ha u naxariisto Maxamed Maxamuud Jimcaale waxaa uu waxbarashadiisa hoose iyo sareba ku qaatay Dugsiga Jiniraal Daa’uud ee Magaalada Muqdisho, waxa uu Wasaarada Warfaafinta , gaar ahaan Raadiyo Muqdisho ku soo biiray 1975-kii, waxaa wax badan lagu yaqiinay Barnaamijkii Bandhiga Raadiyaha oo ilaa hadda Raadiyo Muqdisho ka baxa.

1989 ayuu shaqada Raadiyo Muqdisho ka joogsaday, waxaa uu dib u galay Dugsi quraan, waxaana uu xafdiyay qur’aanka, waxaa uu joogta ka dhigtay inuu ka qeybgalo xelqadaha subaca qur’aaka meelaha lagu qabto.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Jimcaale sanooyinkii dambe, waxaa uu noqdey qof la nool xanuunka Sonkorta ama macaanka, waxana xanuunkan ku keenay in mid ka mid ah lugahiisa la jaro, Muddo uu sidaa ku noolaa waxaa uu dhawaan mar kale cisbitaal u galay qaliin lugta kale loogu sameynayay, balse qalinkaasi waa u dhintay, Alle janada haka waraabiyo, ehelada iyo asxaabtiisii warbaahintana sabir iyo iimaan Alle haka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...