Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay Geeridii ku timid Suxufi caan ah

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka tacsiyaeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Suxufi Maxamamuud Maxamed Jimcaale, kaasi oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Geerida Marxuumkaasi waxaa kaloo ka tacsiyadeeyay Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaraddaasi iyo shaqaalaha Wasaaradda, waxayna eebe uga barayayaan inuu Janadiisa ka waraabiyo, eheladii iyo Asxaabtii uu tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Alle ha u naxariisto Maxamed Maxamuud Jimcaale waxaa uu waxbarashadiisa hoose iyo sareba ku qaatay Dugsiga Jiniraal Daa’uud ee Magaalada Muqdisho, waxa uu Wasaarada Warfaafinta , gaar ahaan Raadiyo Muqdisho ku soo biiray 1975-kii, waxaa wax badan lagu yaqiinay Barnaamijkii Bandhiga Raadiyaha oo ilaa hadda Raadiyo Muqdisho ka baxa.

1989 ayuu shaqada Raadiyo Muqdisho ka joogsaday, waxaa uu dib u galay Dugsi quraan, waxaana uu xafdiyay qur’aanka, waxaa uu joogta ka dhigtay inuu ka qeybgalo xelqadaha subaca qur’aaka meelaha lagu qabto.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Jimcaale sanooyinkii dambe, waxaa uu noqdey qof la nool xanuunka Sonkorta ama macaanka, waxana xanuunkan ku keenay in mid ka mid ah lugahiisa la jaro, Muddo uu sidaa ku noolaa waxaa uu dhawaan mar kale cisbitaal u galay qaliin lugta kale loogu sameynayay, balse qalinkaasi waa u dhintay, Alle janada haka waraabiyo, ehelada iyo asxaabtiisii warbaahintana sabir iyo iimaan Alle haka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...