Gddoomiyaha G/Shabeelada Hoose oo la kulmay maamulka Deegaanka Buulo-Mareer

Date:

Kulankani oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amaanka ayaa ka dhacay Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose,iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose  Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo ay wehliyaan saraakiil katirsan ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugaan deegaanadaasi  ayaa gaarey deegaanka Buulo-Mareer halkaasi oo kulankan uu ku dhexmaray isaga, maamulka deegaanka iyo bulshada halkaasi kunool.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha iyo maamulka ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladaha guud ee ahniga deegaankaasi,iyo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada,waxaana siweyn looga hadlay sidii shacabka iyo maamulka ay ciidamada ugala shaqeyn lahaayeen xaqiijinta amniga iyo ka hortaga dhagaraha cadowga umadda Soomaaliyeed ee Shabaab.

Ibraahim Aadan Cali Najax guddoomiyaha Gobolka ayaa maalmahan waxaa uu kormeer uu ugu kuurgal;aya xaaladaha guud ee amniga iyo dhaq dhaqaaq bulshada ku marayay qaar kamid ah deegaanada Gobolka Shabeelada Hoose.

Dhanka kale wefdiga guddoomiyaha ayaa gaarey deeganka Golweyn waxaana safarka u ujeedkiisu yahay ukuurga, ka xaaladaha deegaanada Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...