Guddoomiye Jawaari oo shacabka Suudaan ugu hambalyeeyay cunqabateyntii uu Mareykanka ka qaaday

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari  oo iminka ku sugan magaalada Khartum ayaa ugu hambalyeeyay Xukuumadda iyo shacabka Suudaan cunaqabateyntii mudada dheer saarneyd oo ay dhawaan ka qaaday dowladda Mareykanka,taasi oo uu sheegay inay aad u farxad gelisay shacabka Suudan.

Mudane Jawaari ayaa Tahniyadan ka sheegay khudbad uu maanta  ka jeediyay kalfadhi ay lahaayeen Baarlamaanka suudaan uuna shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaankaasi Prof Ibrahim Ahmed Omar,wuxuuna guddoomiye Jawaari khudbadiisa ku xusay inay shacbka labada dal Sudan iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir qota dheer  oo aad u xididideystay isla markaana labada dal  masaalix iyo dano wada jir ahna ay wadaagaan.

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya waxa uu soo dhaweeyay dadaalka dowladda aaanu walaalaha nahay ee Suudan ay ugu jirto  xalinta ama wax ka qabashada mushkilada Soomaaliya ee dhinacyada badan leh.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahamed Sheekh Cusman Jawaari waxa kale uu khudbadiisa ka sheegay inay suudaan jaamacad uga  furtay gudaha dalka Soomaaliya dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana kumanaan dhaliyaro ah deeq waxbarasho ugu fidisay daalkeeda kuwaasoo qaarkood marka ay dalka Soomaaliya dib ugu soo laabteen aqoontooda uga faaideeyay shacabkooda waxqabadkoodana uu ka muuqdo wasaaradaha dalka.

Khudbadaasi uu Mudane jawaari u jeediyay xubnaha Baarlamaanka Sudan, wuxuu kaloo ku soo hadal qaaday horumarka dhinacyada badan leh ee uu maanta gaaray dalka Soomaaliya, xaaladda Amni iyo wadciga uu dalku marayo,wuxuuna cadeeyay inay Soomaaliya ay maanta ka gudubtay dagaallo qabaa’il ah ayna hore u qaaday talaabo dhanka horumarka ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu kaloo ka hadlay ahmiyad ay u leedahay booqashada wafdigiisa marka loo eego ka qeyb galka kalfadhiga labaad ee Golaha sharci dejinta Baarlamaanka suudan,wuxuuna sheegay inuu warqad tahniyad ah uu uga sido shacabka Soomaaliya.
Mudane Jawaari  wuxuu munasabadaasi martiqaad ugu fidiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Suudan prof. Ibrahim  Ahmed iyo wafdi baarlamaani ah uu hoggaaminayo inay  booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, taasoo ujeedkeedu yahay sii xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo labada dal intaba, wuxuuna yididiilo wanaagsan ka muuiyay mira dhalka booqashada ay haatan ku joogaan magaalada Khartum ee caasimadda dalka Sudan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan prof, Ibrahim Ahmed Cumar oo isna munaasabadaasi ka hadlay  ayaa waxa uu soo dhaweeyay nuxurka ay xambaarsan tahay khudbad guddoomiye Jawaari u jeediyay Baarlamanka dalkaasi, wuxuu cadeeyay in labada dal Soomaaliya iyo Suudan uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo aad u qota dheer,loona baahan yahay in labada Baarlamaan ay sii horumarriyaan xiriirkaasi.

Wuxuuna intaa raaciyay inay wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Mudane Jawaari iyo hogaankaa Baarlamaanka sudan ay  kala saxiixdeen heshiis isfaham ah ee labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...