Gddoomiyaha G/Shabeelada Hoose oo la kulmay maamulka Deegaanka Buulo-Mareer

Date:

Shabeelada Hoose(SONNA) Kulankani oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amaanka ayaa ka dhacay Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose,iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose  Ibraahim Aadan Cali(Najax) oo ay wehliyaan saraakiil katirsan ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugaan deegaanadaasi  ayaa gaarey deegaanka Buulo-Mareer halkaasi oo kulankan uu ku dhexmaray isaga, maamulka deegaanka iyo bulshada halkaasi kunool.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha iyo maamulka ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladaha guud ee ahniga deegaankaasi,iyo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada,waxaana siweyn looga hadlay sidii shacabka iyo maamulka ay ciidamada ugala shaqeyn lahaayeen xaqiijinta amniga iyo ka hortaga dhagaraha cadowga umadda Soomaaliyeed ee SHabaab.

Ibraahim Aadan Cali Najax guddoomiyaha Gobolka ayaa maalmahan waxaa uu kormeer uu ugu kuurgal;aya xaaladaha guud ee amniga iyo dhaq dhaqaaq bulshada ku marayay qaar kamid ah deegaanada Gobolka Shabeelada Hoose.

Dhanka kale wefdiga guddoomiyaha ayaa gaarey deeganka Golweyn waxaana safarka u ujeedkiisu yahay ukuurga;ka xaaladaha deegaanada Gobolka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...