Akhriso Wareegto Maamulka Gobolka Banaadir uu ka soo saaray Gawaarida xamuulka

Date:

Muqdisho (SONNA) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya.

Darawalada gaadiidka xamuulka qaada iyo Booyadaha ayaa lagu wargaliyay cidii jabisa xeerkan ama ku xad gudubta in ay la kulmi doonto ganaax lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000).

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in wareegtadan lagu baahin doono Warbaahinta mudo sedex maalin ah si dadka loo baraarujiyo isla markaana ay u wada ogaadaan xeerkan, waxaana Talaabadan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo in laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir, waxaana Digreetadan ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...