Weerarkii Naasahablood2 oo la soo afjaray iyo mas’uuliyiin la soo badbaadiyay

Date:

Wararka aanu ka heleyno hotelka Nasahablood2 ayaa sheegay in Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ay soo badbaadiyeen dad badan oo ku go’doonsanaa hotelka la weeraray.

Mas’uuliyiinta amniga  ayaa sheegayaa in dadka la soo bad baadiyay ay kamid ahaayeen Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow iyo Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Guddiga Taakuleynta Ciidamada.

Ciidamada Ammaanka iyo dableyda hubeysan ee gudaha ugu jiray Hotelka ayaa halkaasi ku dagaalamayay iyadoo la maqlayaya qaraxyo iyo rasaas goos goos ah.

ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyootay weerarkaasi halka dhaawacyo uu soo gaaray dad intaasi ka badan waxaana dadka ku dhintay weerarkaas ka mid ah wasiirkii Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed Madoobe Nuunow, Xildhinaan Hore C/naasir Gaarane iyo Sarkaal boolis oo lagu magacaabo Fanax, dhaawacyada ayaa la dhigay isbitaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...