Guddoomiye Jawaari Oo Khartoum Kula Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan

Date:

Wafdi uu hogaaaminayo gudoomiyaha golaha shacabka JFS oo booqasho ku jooga Dalka Suudaan ayaa maanta Magaaladda Khartuum ee xarunta dalka Suudaan kulan kula qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalkan Suudaan.

Gudoomiyaha golaha shacabka iyo waddigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay xarunta Baarlamaanka ee dalka suudaaan ,waxaana labada Gudoomiye ay ka wada hadleen xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga iyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac wada qaareen kulan ay goob jog ahaayeen xildhibaano ka tirsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Suudaan ,waxaana kulanka looga hadlay sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen,dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dejinta shuruucda Baarlamaanada labada wadan ,

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sidoo kale ay labada Gudoomiye ka wada hadleen isdhaafsiga qubaro dhinaca sharciga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...