Maxakamada kutaala Jarmalka oo xukun ku riday dad ku eedeysan falal argagixisanimo

Date:

Jarmalka(SONNA) Wadanka Jarmalka ayaa Maxkamad ku taala waxaa ay  xukun xabsi ah ku riday koox hubaysan oo la sheegay inay ka dagaalameen wadamada Syria iyo Soomaliya kuwaasi oo ay soo qabteen laamaha ammaanka Dalkaasi.

Waxaa kamid ahaa koxdaasi nin Soomaali ah oo qaatay dhalshada Dalkaasi Jarmalka, Xeerbeegtida ayaa soo jeedisay in ninkaan oo ku dhashay magaalada Muqdisho qaatay jinsiyada dalka Germany uu wajaho 3 sano iyo bar oo xabsi ah.

Maxkamadu waxay sheegtay in Abshir uu 4 bilood  ku tababaranayay saldhig ay maamulaayen Al-shabab 2012-ka,si uu uga qeyb qaato dagaalada y hurinayaan Shabaabka.

bayaan  ka soo baxay xafiiska  Qaadiga 1-aad,Maxkamada Farankfort ee Caasimadda Dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in Abshir Axmed oo 29 sano jir uu ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacaayay Soomaaliya intii u dhaxeeysay 2012-ka ilaa 2014 waxana ay ku riday xukun gaaraya 2 sano iyo 10 bilood oo xabsi ah.

Qareeniadii u doodayay ninkaan ayaa sheegay in Abshir uu xaalad caafimad uga soo baxay Al-shabaab uuna beeninayo inuu u dagaalamay dagaalamayaashoodi.

Sidoo kale   Maxkamada ayaa waxa ay xukun 2 sano iyo 8 bilood ay ku riday muwadin u dhashey dalka Turkiga,kaasi oo la sheegay in uu ka bar bar dagaalamay kooxda Daacish ee Syria ku sugan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...