Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo kusoo qul qulaya Muqdisho

Date:

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo qul qulaya madaxda dowlad goboleedyada dalka oo qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka uu ku casuumay madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Masuuliyiin katirsan dowladda ayaa madaxda dowlad goboleedyada dalka kusoo dhaweynaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, madaxdaas oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Wasiirka Arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in wali ay kujiraan soo dhaweynta madaxda dowlad goboleedyada oo intooda badan iminka ay joogaan magaalada Muqdisho, sidaasi daraadeedna shirku uu furmi doono maalinta bari ah.

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u iclaamiyey in dhamaadka bishaan Muqdisho uu ka furmayo shirka madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo arrimo badan lagu falanqeyn doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...