Ciidamada Amniga oo soo bad baadiyay dad badan iyo howlgaladii oo socda

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo weli rasaas goos goos ah iyo jug umuuqata in ay tahay bam gacmeed  laga maqlayo gudaha hotelka Naasahablood 2 ayaa waxaa dhanka kale barbar soonaya dadaalo ciidamada ammaanku ay ku soo bad baadinayaa dad badan oo halkaasi ku xanibnaa.

Ciidamada ayaa ku guulestay in ilaa iyo hadda ay soo badbaadiyaan dad isugu jira mas’uuliyiin iyo siyaasiin,oo halkaasi kujiray welina waxaa soconaya howlgalkaasi,wararka ayaa sheegay i qof kamid ah maleeshiyada Shabaab uu halkaasi ku haray.

Khasaaraha dhimashada ayaa ilaa iyo haatan waxaa la sheegayaa in uu gaarayo in kabadan 15qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca in kabadan 20 kale sida ay xaqiijinayaan laamaha caafimaadka iyo kuwa amniga.

Waxaa goobtaasi gaarey mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banadir,saraakiil iyo xubno katirsan Dowladda.

Qarax ayaa burbur xoogan gaarsiiyay hotelkaasi iyo dhismayaal kale oo ka agdhow.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...