Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo ka tacsiyadeeyey Geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muuse

Date:

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Jeneral Maxamed Abshir Muuse oo hore u soo noqday Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Generaal C/wali Jaamac Gorod ayaa qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyasideeyay geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muuse,wuxuuna taliyaha uu qiray in Alle ha u naxariistee Jeneral Maxamed Abshir Muuse uu ahaa waddani dhab ah oo waddanka xornimadiisa kaalin ka soo qaatay, mudadii uu xilalka kala duwan hayeyna lagu tilmaami jirey shaqsi waddankiisa jecel oo daacad ah.

Taliyaha Ciidamada Ciidamada Xoogga dalka Generaal C/wali Jaamac Gorod ayaa yiri “Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muuse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN.”

Dhamaan Madaxda ugu sareysa dalka ayaa marxuum Jeneral Maxamed Abshir Muuse ku tilmaamay halyeeyay ka baxay ummada Soomaaliyeed oo mar walba niyada ay ku heyn doonaan howlihii muhiimka ahaa ee uu Qaranka u soo qabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...