Taliyaha Ciidamada xooga dalka oo ka tacsiyadeeyey Geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse

Date:

Muqdisho(SONNA) Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Jeneral Maxamed Abshir Muse oo hore u soo noqday Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Generaal C/wali Jaamac Gorod ayaa qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyasideeyay geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muse,wuxuuna taliyaha uu qiray in Alle ha u naxariistee Jeneral Maxamed Abshir Muse uu ahaa waddani dhab ah oo waddanka xornimadiisa kaalin ka soo qaatay, mudadii uu xilalka kala duwan hayeyna lagu tilmaami jirey shaqsi waddankiisa jecel oo daacad ah.

Taliyaha Ciidamada Ciidamada Xooga dalka Generaal C/wali Jaamac Gorod ayaa yiri “Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN.”

Dhamaan Madaxda ugu sareysa dalka ayaa marxuum Jeneral Maxamed Abshir Muse ku tilmaamay halyeeyay ka baxay ummada Soomaaliyeed oo mar walba niyada ay ku heyn doonaan howlihii muhiimka ahaa ee uu Qaranka u soo qabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...