Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhigiisa Turkiga

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo khamiis ah dhigiisa Dalka Turgiga Ben Ali Yildirim kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.

Mudane Xasan Cali khayre iyo dhigiisa Turkiga ayaa si wadajir ah Salaan Sharaf ugu qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Turkiga,waxaana loo tumay astaanka Qaranka Labada Dowladood.

Intaasi ka dib Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisal wasaraaha Turkiga Ben Ali Yildirim ayaa kulan saacado qaatay wada yeeshay,waxayna si qoto dheer uga wada hadleen Xiriirka labada dal iyo sida lagu xoojin doono.

Kulanka Labada Ra’iisal wasaare ay yeesheen waxaa goob joog ahaa Wasiirka Difaaca Turkiga iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladdaasi.

Sidoo kale,waxaa la filayaa in kulan labaad ay isugu yimaadaan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo dhigiisa Turkiga Ben Ali Yildirim,kaasoo oo ah kulan qado sharaf oo loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Qado sharafta ka dib ayaa Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxda Turkiga waxay so qoto dheer uga wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya Labada dal iyo sidii Dowladda Turkiga u kordhin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale iney iska xog wareystaan horumarka Goboleed iyo kan caalamiga ahba.

Dhanka kale,Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa booqan doona dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe ee dhawaan loo qaaday dalka Turkiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...