Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo Garoowe uga qeybgalay kulankii 40-aad ee baarlamaanka Puntland

Date:

Garowe(SONNA) Magaalada garoowe ayaa waxaa maanta ka furmaya kulanka 40-aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland kaasi oo ay ka qeybgalayaan guddoomiyaasha labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda kulankaasi ayaa ka soconaysa howlka shirarka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe,iyadoo siweyn loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri  iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi oo ay wehliyaan xildhibaano katirsan labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya furitaanka kalfadhigan.

Wafdigan ayaaa shalay markii ay gareen magaalada Garoowe waxaa ay la kulmeen soo dhaweyn diiran ay oo ay u sameeyeen madaxda maamulka Puntland iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Faah faahinta goor dhow kala soco SONNA

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...