Afhayeenka AMISOM “Hal askari ayaa nooga dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay”

Date:

Muqdisho (SONNA) Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson Rono oo la hadlay Wakaalada Wararka SONNA ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ciidamada AMISOM ka soo gaaray qarax iyo dagaal toos ah oo ay kula kulmeen deegaanka Carbiska oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM uu askari kaga dhintay weerarkaasi ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, halka mid kale uu kaga dhaawacmay, sidoo kale wuxuu sheegay in labo ruux oo shacab ah ay ku geeriyoodeen weerarka.

Wilson rono ayaa beeniyay warar uu sheegay in baraha bulshada ay ku faafiyeen Maleeshiyada Al shabaab oo ku saabsanaa in dad badan oo rayid ah lagu dilay goobta uu dagaalka ka dhacay.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sida ay wax u dhaceen, iyagoo wali wada baaritaano ku aadan arintaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...