Shabeelada Dhexe(SONNA) Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa warbixin gaar ah oo aan kaga hadleynoย saameynta ย Colaadda iyo abaarta ay ku yeelatayย dadka degan deegaanka Koogaar, gaar ahaan dadka ย barakacayaasha ah ee ka soo barakacayย deeegaankaย Koogaarย oo ka tirsan Degmada Cadaleย ee Gobolka Shabeelaha Dhexeย oo Dagaal beeleed ku dhex maray laba beelood oo walaala ah, taasi oo heshiis horudhac ah laga gaaray, waxaanaย kaย muuqdayย dadka iyoย ย duunyadaย dhibaatooyinย ka dhashay dhinacyadaย abaarta iyoย colaadda, iyadooย dhulka uu yahayย mid aadย u kululย oo aan wax roob ahย kaย diโinย seddexdii sano ee la soo dhaafay.
Balse waxaa soconaya dadaalo loogu gurmanayo dadkaasi iyadoo boqolaal qoys ay ka faa’idaysteen deeq gar gaar ah oo isugu jirta nuucyada kaladuwan ee quutul daruuriga taasi oo loogu talagalay in lagu kaabo nolosha dadkaasi
Dadka ku nool deegaannada hoos tagaย Degmada Cadale ayaa waxa ay la daala dhacayaan abaarta saameysay noloshoodaโ maadaama ay ku xoolo beeleen waxaana ย dadka degan deegaankaย Koogaar ka muuqato daruufo adag oo xagga nolosha ah.
Dadka ku nool deegaannada iyo tuulooyinka hoos taga Degmada Cadale ayaa ย waxa ayย noloshooda ku tiirsantahay Xoolaha, Beerahaย iyo kalluunka.
Qaar ka mid ah dadkii kaย faa,iideystay deeqdaasi raashiinka ayaa kaย mahad celiyayย deeqda la soo gaarsiiyayย waxeynaย ugu baaqeen dowladda dhexe soomaaliya iyo maamulkaย hir shabeeleย in ay soo eegaan xaalada ddakaasi ay ku noolyihiin
Nabadoon Maxamed Xuseen ย Howl laaweย iyo Nuur Ciyow Geesey oo kaย mid ah odayaasha deegaankaย ayaa ka hadlayย xaalada nololeed ee dadka barakacayaashaย ah.
Gudoomiye ku xigeenkaย arrimaha Siyaasadda iyo Amnigaย ee degmadaย Cadalle eeย Gobolkaย shabeelaha dhexeย Xuseen Muxyadiin Cabdulleย ayaa ka warbixiyay baahiya ay qabaan dadka barakacayaashaย iyo waxyaabaha ay soo gaarsiiyeenย cod
dadkan lu nool deegaano hoos taga degmada cadalleย ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshayย abaartaย iyo colaadaย ka taagan Gobolkaย waxaadna kaย dareemeysaaย deegaanadaasi biyo la ,aan iyoย Caafimaad daro haysata dadka deegaanka
Waxaa halkaas dhawaan Safar shaqo ku tagayย Wariye Muuse Cismaan Abtow oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Warbixintaana ka diyaariyay.