Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo Muqdisho ka furay shir ku saabsan daadejinta Awoodda Dowladda

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa maanta furay   Wajiga  sadaxaad  iskaashi  wadajirka ah ee baahinta awooda dowladda  shanta sano ee soo aadan 2018-2022 ee JPLG waxaana uu Wasiirku  sheegay in Baahinta Awooda dowladda ay muhiim u tahay  howlaha horyaala Dowladda Federaalka Soomaaliya.

WAxaa shirkani ka qeybgalaya Wasiirada arrimaha gudaha  dowlad goboleedyada iyo hey’adaha taageera Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo kaalin ka qaadanay afududaynta howlahaasi.

Madoobe Nuunoow Maxamed  Wasiirka Arrimaha gudahaa ee maamulka koofur Galbeed oo ku hadlayaya magaca dowlad goboleedyada ayaa sheegay in talada maraysa waqtigan in laga soo bilaaba dadweynaha oo ah meeshii loo baahnaa, wasaaradda arimaha gudaha ee Soomaaliya ayuuna ku amaanay doorka wanaagsan ay ka qaadanayso daadajinta awooda dowladda.

Sodoo kale waxaa halkaasi kahadlay Xoghayaha Guud ee Maamulka gobolkaa Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtaar waxayna xustay in Muhiim ay tahay in la cadeeyo doorka Gobolka Banaadir ugu Aadan Barnaamijkan looga tala galay in lagu wajaho  baahinta awooda dowladda ee 5 ta sano ee soo aadan .

Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalak Soomaaliya oo furay shirkaasi ayaa ku amaanay dowlad goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland u  dhaqaaqidooda dhismaha dowladaha Hoose, isaga oo ku dhiira galiyay inay dardar galiyaan sameynta sharciga dowladaha hoose dowlad goboleedyada Hirshabeele iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa soo jeediyay in muhiimad la siiyo Gobolka Banaadir, Beesha Caalamka ayuuna ka codsaday inay kordhiyaan dhaqaalaha ay ugu tala galeen daadajinta awooda dowliga ah taasi oo qeyb ka ah horumarinta hanaanka Federaalka.

Qeybo kamid ah deegaanada Gobolada Dalka waxaa ka bilowday nidaamka dhismaha Dowladaha Hoose,iyadoo Gobolka Bokool uu kamid yahay meelaha ay dadaaladaasi ka soconayaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...