Wafdi uu hugaaminaayo G/Aqalka sare oo maanta ku wajahan Garoowe

Date:

Muqdisho (SONNA) Wafdigaan uu hugaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa lagu wadaa in ay Saacadaha Soo socda gaaraan Magaalada Garooowe ee Caaasimada Maaamulka Puntland ahna Xaruunta Gobolka Nugaal Soomaaliya.

Mudane Cabdi Xaashi C/laahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Socdaalkiisa waxaa ku wehlinaaya xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Puntland ayna kala hadlaan arrimo ku saabsan Dastuurka Qaranka iyo hanaanka doorasho ee Soomaaliya marka la gaaro 2020.

Waxaana Magaalada Garoowe ka socota qaban qaabada lagu soo dhaweynaayo Ma,suuliyiinta ka socota Dowladda Fderaalka Soomaaliya ee maanta ku wajahan magaalada Garoowe ee Xaruunta Puntland waxaana si weyn loo adkeeyay Amaanka Magaaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...