Muqdisho(SONNA) Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan, Xoogahayaha Joogtada Xafiiska Raโiisul Mudane Maxamed Keynaan iyo dhamaan Shaqaalaha Xafiiska Raโiisul Wasaaraha, waxay tacsi u dirayaan Axmed nuur Maxamed Jaamac oo Aabihiis Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Jaamac ku geeriyootay degmada Caabudwaaq.
waxayna alle uga baryayaan in uu qabriga u waasiciyo una fududeeyo suโaasha maalinta qiyaame. โGeeridu waa xaq, qof kastana waa dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa murugada qoyska reer Maxamed Jaamac, waxaana Eebe uga baryaynaa in Marxuumka uu jannaadiisa ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka geeriyootay uu samir iyo iimaan ka siiyoโ ayuu yiri Raโiisul Wasaare Khayre.
Sidoo kale, waxaa tacsi taa lamid ah u diraya Raโiisul Wasarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Raโiisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dhammantood marxuumka Allah uga baryay inuu jannadiisa fardowso ka waraabiyo ehelkiisa samir iyo iimaan ka siiyo.
