Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta lagu wadaa magaalada Jowhar inay ka dhacdo Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wafuud kala duwan oo ka kala socda Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.
Qabanqaabada Munaasabada ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Jowhar, iyadoo la adkeeyay Amaanka, Masuuliyiin ka socda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa inay gaaraan magaaladaasi.
16-kii Bishii Septemper ee sanadkan ayuu ku guuleystay Mudane Maxamed Cabdi Waare doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka dhacday magaalada Jowhar.