Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa kulanka ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Ciidamada Sarreeye-Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda Dibadda, Mudane Balal Maxamed Cisman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...